
Mikel Merino ayaa shaaca ka qaaday in saaxiibadiisa Arsenal ay wax ka weydiiyeen Real Madrid ka hor kulanka Champions League ee bisha soo socota.
Gunners ayaa u soo baxday wareega 16-ka ee Champions League-ga ka dib markii ay celcelis ahaan 9-3 kaga badisay PSV wareega 16-ka.
Dhanka kale, Madrid ayaa wajahday labo kulan oo adag iyada oo dirqi uga badisay kooxda Atletico Madrid.
Arsenal ayaa haatan marti galin doonta Real Madrid lugta hore ee wareega 8-da April ka hor inta ayna kooxda Mikel Arteta u safri doonin Bernabeu lugta labaad ee April 16.
Merino ayaana sheegay in qolka labiska Arsenal looga hadlay Real Madrid.
“Waxa ay i waydiiyeen sida uu yahay garoonku, sida uu yahay jawigu in soo laabashooyinka Real ee mucjisooyinka ay tahay run”ayuu yidhi.
Be the first to comment