Mikel Arteta: Wan Ku Jirnaa Tartanka Premier League

Kooxda Arsenal ayaa xalay ilaashatay riyadeeda hanashada horyaalka kadib markii ay si xamaasad leh uga badisay kooxda ay xafiiltamaan ee Tottenham.

Goolal ay dhaliyeen Trossard Iyo Gabriel ayaa Arsenal ka caawiyay in ay guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Tottenham kulan ka tirsan premier League.

“Wali tartanka ayaan ku jirnaa, wali waxa jira wax badan oo loo ciyaari doono laakiin waad arki kartaa sida ay u adagtahay in ay koox kasta badiso”ayuu yidhi Arteta.

“Marka aad haysato fursado aad ku soo yarayso farqiga waa in aad qaadatid”.

“Tani waa natiijo aan ku raaxaysanayno daqiiqad, haatana waxaan isku diyaarineynaa kulanka soo socda. Aad ayaan ugu faraxsanahay kooxda, waxaan u maleeyay inaan nahay kuwo cajiib ah”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga