Mikel Arteta Oo Xaqiijiyay 4 Xiddig Oo Kooxdiisa Ka Maqnaan Doona Kulanka Wolves.

Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa xaqiijiyay in afar ciyaaryahan oo Arsenal ah ay seegi doonaan kulanka Premier League ee Arbacada ay la ciyaarayaan Wolverhampton Wanderers.

Gunners ayaa u safri doona garoonka Molineux Stadium iyagoo haysta fursad ay hoggaanka horyaalka ku dheereysan karaan toddoba dhibcood.

Si kastaba ha ahaatee, Arteta ma heli doono dhowr ciyaaryahan oo muhiim ah kadib markii liiska dhaawacyada Arsenal uu sii kordhay intii lagu jiray guushii fududeyd ee 4-0 ay kaga adkaadeen Wigan Athletic kulankii FA Cup.

Riccardo Calafiori ayaa ku dhaawacmay intii lagu jiray kululayn ka hor ciyaarta, halka Ben White laga saaray qeybtii labaad ee kulanka wareegga afaraad ee FA Cup sababo la xiriira dhaawac.

Si kastaba ha ahaatee, Mikel Arteta ayaa rajo ka muujiyay in labaduba ay diyaar u noqon doonaan kulanka ay la ciyaarayaan Wolverhampton Wanderers.

Isagoo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka, tababaraha Arsenal ayaa yiri:

“[Calafiori” wuu fiican yahay.

ayaa sii waday hadalkiisa, isagoo yiri:

“Wuxuu nala tababaranayay maanta, wuxuuna dareemayaa fiicnaan, waxaana rajeynayaa inuu berri taam noqon doono.

[Ben White] waxa uu qabay daal yar oo keliya, wax badan ayuu ciyaarta qabtay, wuxuuna dareemayay murqo yara adkaatay.”

Tani waxay ka dhigan tahay in Riccardo Calafiori iyo Ben White ay u badan tahay inay diyaar u noqdaan kulanka ay Arsenal la ciyaareyso Wolverhampton Wanderers.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga