
Mikel Arteta ayaa sheegay in uu aad u doonayo in uu nasiyo xiddigaha uGu muhiimsan kooxdiisa Habeenka Arbacada kulanka Crystal Palace sabab la xidhiidha cabsi uu ka qabo dhaawac soo gaadha ka hor kulanka PSG ee champions League.
Kabtanka Liverpool Virgil van Dijk ayaa horay u sheegay in kooxdooda ay si wada jir ah ciyaarta uga daawan doonaan taleefishinada iyagoo rajeynaya in Palace ay seddex dhibcood ka qaadato Gunners si ay uGu guulaystaan horyaalka premier League.
Laakiin Arteta, oo wali isha ku haya inuu xaqiijiyo booska labaad, ayaan wax dan ah ka qabin in uu ka walwalo taas iyaga oo diirada saaraya guul kale oo horyaalka ah taas oo sii dheerayn doonta rikoorkooda guuldaro la’aanta tartamada oo dhan 12 kulan.
“Dhiirigelintayadu waxay noqon doontaa inaan badino ciyaarta oo aan sii wadno rikoodhka guuldaro la’aantaayuu yidhi. “Inta kale ma xakameyn karno.”
Be the first to comment