Mikel Arteta, tababaraha Arsenal, ayaa qirtay inay u baahan yihiin dhammaystirnaan haddii ay doonayaan inay ku guulaystaan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Liverpool ayaa hogaanka horyaalka England ku hogaaminaysa 31 dhibcood waxayna 8 dhibcood ka saraysaa kooxda Man City halka ay 9 dhibcood ka horaysa Arsenal.
Mar wax laga waydiiyay in qaab ciyaareedka Arsenal uu u baahan yahay in uu noqdo mid dhamaystiran si ay Liverpool uga hormarto, Arteta waxa uu yidhi: “Haddii ay sidan ku sii socdaan, taasi waa hubaal, tirada ay gaadhayaan iyo tirada kulamada ay badinayaan”.
“Diirada waa in aan saarno ilaalinta joogtaynta gaar ahaan kulamada aan naga caawin doona in aan badino”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Guusha waxa ay naga caawisaa in aan kor u qaadno tamarteena iyo kalsoonidayada,waxa aanu gaarnay laba guulood oo waaweyn dhawaanahan,hadda waa in aan sii wadno guulaha kulamada soo socda”.
Be the first to comment