Mikel Arteta Oo Taariikh Sameeyay Kadib Bar-Barihii Man City.

Mikel Arteta ayaa noqday tababaraha kaliya ee aan laga adkaan shan kulan oo xiriir ah marka uu wajaho Pep Guardiola tartanka horyaalka, kadib markii ay Arsenal barbaro 1-1 ah la galeen Manchester City Axadii.

Kooxda Gunners ayaa hal dhibic ku badbaadsatay garoonkooda Emirates, iyadoo goolka barbaraha uu dhaliyay Gabriel Martinelli daqiiqaddii 93-aad, kaasoo kansalay goolkii hore ee Erling Haaland.

Tababare Arteta ayaa dareemi doona niyad jab marka loo eego sida liidata ee kooxdiisu ku bilaabatay ciyaarta, iyadoo City ay u muuqatay mid diyaar u ah inay bixiso kubadda oo ay ku kalsoonaato weerarada rogaal-celiska ah.

Arsenal ayaa hadda guuleysatay 13, barbaro gashay 10, kaliya hal kulan bayna laga badiyay 24-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaareen kooxaha waaweyn ee big-six-ka Premier League.

Arteta sidoo kale wuxuu taariikh sameeyay, isagoo noqday tababaraha kaliya ee aan laga adkaan shan kulan oo xiriir ah marka uu wajaho koox uu hogaaminayo Pep Guardiola.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga