Mikel Arteta Oo Sheegay Sababtii Uu Qaybtii Nasashada U Badalay Jurrien Timber.

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa shaaca ka qaaday in dhibaato muruqa ah ay ku qasabtay Jurrien Timber inuu baxo waqtigii nasashada kulankii Champions League ee ay ka badiyeen PSG.

Gunners ayaa ku raaxeysatay habeen guul ah garoonka Emirates Stadium, iyagoo 2-0 ku badisay ka dib markii ay qeybtii horee ciyaarta goolasha u dhaliyeen Bukayo Saka.

Inkastoo Arsenal ay u dabaaldegtay guusheedii ugu horeysay ee Champions League xilli ciyaareedkan, waxaa jiray walaac laga qabo xaalada jireed ee Timber ka dib markii uu ka baxay waqtigii nasashada.

Ciyaaryahanka reer Holland ayaa lagu bedelay Jakub Kiwior ka dib markii uu ku bilowday kulankii toddobaad oo xiriir ah tartamada oo dhan.

Isagoo hadlayay ka dib guushii 2-0, Arteta wuxuu shaaca ka qaaday in dhibaato muruqa ah ay ku qasabtay inuu ka saaro Timber waqtigii nasashada.

Arteta ayaa u sheegay suxufiyiinta “Qaybtii hore waxa uu ahaa mid aan la rumaysan karin, laakiin waxa uu dareemay xanuun dhinaca muruqa ah”.

“Sidaas darteed ma aanan dooneynin inaan halis galiyo waxa uu ciyaaray daqiiqado badan todobaadyadii ugu dambeeyay”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga