Mikel Arteta ayaa sheegay in 10 ilbiriqsi ka dib uu ogaaday in Raheem Sterling uu ahaa saxiixii saxda ahaa ee Arsenal ay sameyso maalinta ugu dambeysa suuqa kala iibsiga.
Sterling ayaa ka baxay qorshaha Chelsea waxana lagu qasbay in uu isaga tago kooxda maadama uuna ka mid ahayn qorshaha tababaraha cusub ee kooxda.
Xiddiga ayaa Arsenal kula biiray xiddigo garabka ka ciyaara oo kala ah Bukayo Saka, Kai Havertz, Gabriel Martinelli, Gabriel Jesus & Leandro Trossard.
Arteta ayaa Horay Sterling kula soo shaqeeyay kooxda Man City oo caawiyaha ka ahaa kooxdaas.
“Waxa uu u muuqdaa mid fiican, waxa uu leeyahay tamar badan, wuuna faraxsan yahay”ayuu Arteta yidhi.
“Waxa uu doonayaa in uu horumariyo qaab ciyaareedkiisa, markii aan la hadlay 10 ilbiriqsi kadib waxa aan go’aansaday in aan kooxda keeno”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment