
Mikel Arteta ayaa daaha ka qaaday labada sabab ee ugu waaweyn ee uu rumaysan yahay in ay Arsenal ugu fashilantay ku guulaysiga Premier League xilli ciyaareedkan.
Gunners ayaa ku dhamaysatay kaalinta ad xilli ciyaareedkii 3-aad oo xidhiidh ah kadib markii ay ku guuldareysteen inay dhaafaan kooxda Liverpool.
Arsenal waxa ay rajaynaysay in ay qaybta dambe ee xilli ciyaareedka soo yarayso dhibcaha laakiin waxa ay 15 dhibcood ka dambeeyaan iyada oo 2 kulan ka dhimantahay xilli ciyaareedka.
“Bilawga xilli ciyaareedka, haddii aan ku fikiro wakhtigaas, waxa la ciyaari lahaa kulankii ugu dambeeyay ee gurigooda maalinta ugu dambaysa iyo kor u qaadida Premier League,” ayuu u sheegay Sky Sports.
“Taasi waa waxa aan madaxa ku hayay.”.
“Hadda, wax kasta oo aan soo marnay 11-kii bilood ee la soo dhaafay, waxaan u maleynayaa inaan dhammaanteen kor u qaadi karno madaxeena laakiin weli xanuunkaas ayaa ku jira caloosha, sababtoo ah taasi waa waxa aan dooneyno inaan gaarno.”
Mar la weydiiyay sababta ugu weyn ee aysan ugu guulaysan horyaalka xilli ciyaareedkan ayuu Arteta yidhi”Kaadhadka casaanka Iyo dhaawacyada”.
“Laakin taa la’aanteed, ma garanayno waxa dhici lahaa. Miyaynu aad ugu dhawaan lahayn? Aniga, jawaabtu waa su’aal la’aan, haa.”
Be the first to comment