
Mikel Arteta ayaa qirtay in uuna doonayn in uu halis galiyo xiddiga Myles Lewis-Skelly kadib markii da’yarka Arsenal la badalay qaybtii hore ee ciyaarta kulankii PSV Eindhoven.
Xiddiga da’yarka ah ayaa ku bilowday ciyaarta daafaca midig ee ciyaarta kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 16-ka champions League Kadib markii uu Ganaax ku seegay kulankii Nottingham Forest.
Inkasta oo uu xiddigu door ka ciyaaray goolashii hore ee ay dhalisay hadana xiddiga ayaa ciyaarta Laga saaray kaliya 35 daqiiqo kadib iyada oo lagu badalay Riccardo Calafiori.
Lewis-Skelly ayaa kaadhka digniinta ah loo taagay daqiiqadiihii Ugu horeeyay ciyaarta waxana uu ka badbaaday in loo taago kaadh 2-aad lagana saaro ciyaarta kadib khalad uu galay.
Markii wax laga weydiiyay bedelkaas ciyaarta ka dib, tababaraha Arsenal ayaa xaqiijiyay inuusan dhaawac la xiriirin, islamarkaana uusan dooneyn inuu wax halis ah galiyo xiddiga laakiin waxa uu sheegay in Aanu arkin khaladkii dambe ee uu galay.
“Ma arkin khaladkii 2-aad, laakiin marka uu jiro buuq badan sidoo kale, waxaad ku ciyaareysaa meel ka baxsan guriga, ma rabo inaan wax khatar ah galo,” Arteta ayaa u sheegay Amazon Prime Video.
Be the first to comment