Mikel Arteta Oo Sharaxay Sababta Uu Shaxda Adag Ugu Soo Galay Kulanka Chelsea.

Tababaraha Kooxda Arsenal ayaa shax xoogan ku bilaabay kulanka ay kooxdiisu la ciyaarayso chelsea lugta hore ee Semi-finalka Carabao Cup-ka.

Isagoo la hadlayay Sky Sports kana hadlaya xulashadiisa, wareejinta difaaca iyo arrimo kale, ayuu yiri:

“Waxaan dooneynaa inaan ku jirno tartan kasta; hadda waxaan ku jirnaa afarta tartanba. Waxaan sidoo kale si taxaddar leh u maareyneynaa culayska ciyaartoyda, annagoo doonayna inaan noqono kuwo aad u tartan adag laga bilaabo bilowga ilaa dhammaadka ciyaarta.

“Ciyaartoydu aad bay ugu diyaar garoobeen inay la qabsadaan xaalad kasta, sababtoo ah waxaan ku ciyaarineynaa boosyo kala duwan. Taasi waa wax aad u wanaagsan, maadaama aan weli sii ahaanno kuwo tartan adag, isla markaana ay diyaar u yihiin inay si dhaqso ah u soo laabtaan marka ay dhibaato qabaan”

“Kuwani dhammaantood waa casharro ka yimid safarka aan soo marnay, tartan kastana wuu ka duwan yahay kan kale. Waxaan joognaa meel ka duwan halkii aan joogney sanad ka hor. Markaas waxaan ku ciyaaraynaa garoonkooda kadib waxa aan aadi doonaa garoonkeena”

“Arsenal waxay ugu dambeysay ku guuleysiga Carabao Cup sanadkii 1993, waxayna rajeynayaan inay guul weyn ka gaaraan Stamford Bridge si ay tallaabo weyn ugu qaadaan gaadhista kama dambaysta”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga