Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa lagu eedeeyay inuu iibiyay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican Premier League.
Inkasta oo ku guulaysiga horyaalka premier League ku adagyahay Gunners, hadana waxa xaqiiqo ah in Mikel Arteta uu guulo la gaadhay Arsenal.
Waxa uu kor u qaaday koobka FA Cup xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee uu dib ugu soo laabtay kooxda,waxana uu ka dhigay Arsenal mid u tartamaysa horyaalka iyo koox awood u leh in ay 80 dhibcood oo dheeri ah ka hesho Premier League.
Hadii ayna Man City hor taagnayn waxa uu Arsenal kula guulaysan lahaa hal ama 2 horyaal oo premier League.
Arteta ayaa sidoo kale lagu ammaanay inuu beddelay dhaqanka Arsenal kana dhigay kuwo qaab ciyaareedkooda laga cabsado lana soo saaxday xiddigo badan oo cajiib ah.
Laakiin go’aan kasta oo uu qaatay suuqa ayaan ahayn mid guulaysta waxana Arteta loo sheegay in uu iibiyay mid ka mid ah Goolhayayaasha ugu fiican Premier Legaue kaas oo ah Emiliano Martinez.
Martinez ayaa ku dhawaad toban sano ku qaatay Arsenal laakiin kaliya 38 kulan ayuu u saftay kooxda kowaad waxana lagu diray lix amaah oo kala duwan ka hor inta aan laga iibin Aston Villa 2020.
Tan iyo markaas, 32-sano jirkaan ayaa ka caawiyay Villa inay u soo baxdo Champions League, waxaana uu xiddig ka ahaa guushii Argentina ee Koobka Adduunka ee Qatar.
Marka la eego qaab ciyaareedkiisa kooxda iyo wadankiisa, halyeyga Premier League ee Jussi Jaaskelainen ayaa ku qiimeeyay Martinez inuu yahay mid ka mid ah labada goolhaye ee ugu fiican horyaalka Ingiriiska isaga iyo goolhayaha Liverpool Alisson Becker.
“Way igu adag tahay inaan magacaabo goolhayaha ugu fiican Premier League marka waa inaan laba ka dhigaa,” ayuu u sheegay Ladbrokes
“Marka hore, waa in aan doorto Alisson oo aan u ahay taageero weyn waa mid bahal ah marka laga hadlayo goolka”.
“Midka 2-aad waxa aan ka dhici doonaa Emi Martinez kaas oo wacdaro ka dhigay Aston Villa tan ilaa markii uu ka tagay Arsenal”.
“Aniga ahaan waxa ay Arsenal iska iibisay xiddiga ugu fiican Premier League”.
Be the first to comment