Mikel Arteta ayaa la digniiyey in Arsenal aysan ku guuleysan doonin Premier League haddii uu weerarka u horseedayo Viktor Gyökeres.
Gyökeres ayaa dhaliyay saddex gool 10 kulan oo uu u saftay Arsenal tan iyo markii uu xagaagan kaga soo biiray Sporting Lisbon, heshiis gaaraya £64 milyan.
Inkasta oo uu wajahayo dhaleeceyn ka timid qaar ka mid ah khubarada ciyaarta, Arteta ayaa si isdaba joog ah u difaacay, isagoo sheegay in Gyökeres uu weli kooxdu ka caawinayo dhinacyo kale xitaa marka uusan goolal dhalin.
Waxaa laga yaabaa inuu halkaa ku saxan yahay — Arsenal waxay haatan hoggaanka u haysaa Premier League iyo sidoo kale waxay hogaaminayaan Champions League.
Si kastaba ha ahaatee, taageerayaasha Arsenal ayaa laga fahmi karaa inay dareemayaan niyad-jab, maadaama Gyökeres uu lahaa rikoor cajiib ah oo gooldhalin ah intii uu joogay Sporting, halkaasoo uu ku dhaliyay 68 gool 66 kulan oo horyaalka ah — waana wax aan wali ka muuqan qaab ciyaareedkiisa Premier League.
Saxiixa Viktor Gyökeres ayaa u ekaa guul weyn oo suuqa kala iibsiga ah, maadaama Arsenal si degdeg ah ugu baahnayd weeraryahan No. 9 cusub, isla markaana ay si adag ugu tartamayeen saxiixiisa kooxo ay kamid yihiin Manchester United, kuwaasoo si dhab ah uga mid ahaa tartanka.
Inkastoo Gyökeres uu lahaa sumcad sare oo gooldhalin ah markuu joogay Portugal, taageerayaal badan ayaa filayay in uu si degdeg ah u saameeyo, hase yeeshee bandhiggiisa hore ee Emirates ayaa keenay su’aalo laga qabo in uu yahay xalka dhabta ah ee weerarka Arsenal — gaar ahaan haddii kooxda ay doonayso inay u tartanto hanashada Premier League.
Laacibkii hore ee England iyo labo jeer ku guuleystay Premier League, Joleon Lescott, ayaa sheegay in Viktor Gyökeres uu yahay kaliya ciyaartoy caadi ah isagoo si weyn u shaki geliyay inuu yahay weeraryahankii Arsenal ku hogaamin lahaa horyaalka ay muddo dheer sugayeen.
“Waxaan ku sifeyn lahaa Viktor Gyökeres inuu yahay mid caadi ah”.
“Haddii aad rabto inaad ku guuleysato horyaalka, weeraryahankaagu ma noqon karo mid caadi ah, waa in uu noqdo mid heer sare ah”.
“Ma aaminsani in Mikel Arteta uu Arsenal ku hogaamin karo horyaalka Iyo champions League inta uu Gyokeres ka ciyaarayo weerarka Arsenal”.
Be the first to comment