Mikel Arteta Oo Ka Warbixiyay Xaalada Nwaneri & Calafiori

Mikel Arteta Oo Ka War Bixiyay Xaalada Nwaneri Iyo Calafiori kadib bar-barihii ay la galeen kooxda Nottingham Forest.

Arsenal ayaa ogayd in kaliya guul ay noolaynayso rajadooda tartanka premier League kadib guuldaradii West Ham ee bilowgii todobaadka.

Laakiin Gunners ayaan soo bandhigin qaab ciyaareed fiican waxana ay lumisay laba dhibcood.

Xiddiga Nwaneri ayaa ku bilowday kulanka laakiin waxa laga saaray ciyaarta qaybtii dambe.

Sidoo kale xiddiga Riccardo Calafiori ayaa ciyaarta laga saaray qaybtii nasashada iyada oo lagu badalay xiddiga Tierney.

“Waxa uu ciyaaray daqiiqado badan waxana uu dareemay cidhiidhi sidaas darted waxa aan ka cabsi qabnay in aanu lumino ciyaartoyga, aad ayuu u daalanaa”ayuu Arteta yidhi sababtii uu u saaray Nwaneri

Calafiori, oo birta ku dhuftay qeybtii hore ee ciyaarta, ayaa sidoo kale ciyaarta laga saaray qeybta nasashada, laakiin Arteta ayaa sheegay in isbedelku uu ahaa kaliya taatiko oo aysan jirin wax dhaawac ah.

“Wan badalnay sabab la xidhiidha kaadhka digniinta ah ee uu helay”ayuu sii raaciyay

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga