Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa sheegay in Bukayo Saka, Declan Rice iyo Leandro Trossard ay dhamaantood ka gudbeen cabsidii dhaawacyada.
Isagoo ka hadlayay kahor kulanka sabtida ee Nottingham Forest, Arteta ayaa yiri: “Trossard wuxuu u muuqdaa inuu fiican yahay, saaka ayuu tababar qaatay wuxuuna u muuqdaa mid wanaagsan”.
“Bukayo Saka iyo Declan waxa ay maanta qaateen tababarkii ugu horeeyay aad ayayna u fiicanyihiin”ayuu Arteta yidhi.
Xiddigaha Saka iyo Rice ayaa dhaawac ku seegay kulamadii waajibaadka xulalkooda.
Labada xiddig ayaa dhaawacmay kulankii ugu dambeeyay ee Arsenal ka hor fasaxa caalamiga ah.
Be the first to comment