Mikel Arteta ayaa sheegay in Bukayo Saka iyo Declan Rice ay ka maqnaan doonaan England kulamada soo socda ee Greece iyo Republic of Ireland.
Saddexda libaax ayaa u safri doona Athens ka hor inta ayna Ireland ku marti galin Wembley todobaadka soo socda kulankooda ugu dambeeya ee heerka Groupyada Nations League.
Laakiin tababaraha ku meel gaadhka ah ee Lee Carsley ayaa hadda u muuqda mid lagu qasbi doono in uu ka maarmo Rice iyo Saka.
Labada ciyaaryahan ayaa la bedelay intii lagu guda jiray kulankii ay Gunners bar-baraha la gashay chelsea Axada.
Rice ayaa ciyaarta soo galay isaga oo suulku jabanyahay isla markaas aan muddo todobaad ah tababar qaadan kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii Newcastle.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa lagu bedelay Mikel Merino iyadoo 20 daqiiqo ay ka dhiman tahay, halka Saka lagu qasbay 10 daqiiqo ka dib dhaawac muruqa ah. Arteta ayaan sheegin war fiican.
Waxa uu yiri: “Uma muuqato mid wanaagsan sababtoo ah laba ciyaaryahan oo muhiimadaas leh ayaa kuu sheegaya in aysan sii wadan karin ciyaarta, sidaas darteed sida iska cad ma ahan war wanaagsan”.
“Ma filayo inay taam yihiin, sababtoo ah haddii ay ahaan lahaayeen, ma ay soo baxeen.”
Be the first to comment