Mikel Arteta Oo Ka Warbixiyay Heshiiska Riccardo Calafiori

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay in aanu ogayn wakhtiga la dhamaystiri doono saxiixa daafaca Riccardo Calafiori laakiin wuxuu rajeynayaa in imaatinkiisa ay ku xigto horumaro badan ka hor xilli ciyaareedka cusub ee Premier League.

Kadib markii ay laba jeer ku dhawaatay ku guulaysiga premier League, Gunners ayaa rajaynaysa in ay ku guulaysato horyaalka xilli ciyaareedka soo socda.

Arsenal ayaa doonaysa in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga Bologna ee Calafiori kaas oo la filayo in uu ku soo biiro kooxda.

“Ma garanayo hadii ay cid nagu soo biirayso iyo hadii kale, Wali wakhti badan ayaa dhiman”ayuu Arteta yidhi.

Markii lagu adkeeyay in uu sheego wakhti ay kooxdiisu dhamaystiri doonto saxiixa Calafiori ayaa yidhi”Ma sheegi karo wakhti Laakiin waan ognahay waxa aan doonayo si aan u horumarino”ayuu yidhi.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga