Mikel Arteta Oo Ka Jawaabay Xiisaha Real Madrid Ee William Saliba

Mikel Arteta ayaa ku adkeysanaya in William Saliba uu ‘aad ugu faraxsan yahay’ Arsenal ka dib markii daafaca lala xiriiriyay Real Madrid isbuucaan.

Wargeyska Marca ayaa soo wariyay isbuucaan in Saliba uu yahay bartilmaameedka ugu sareeya ee daafaca ee Madrid suuqa kala iibsiga xagaaga, qaab bilow ahna ula xidhiidheen xiddiga reer France.

Saliba ayaa gali doona labada sano ee ugu dambeeya qandaraaskiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana ay Arsenal doonaysaa in 24 jirkan uu heshiis cusub u saxiixo.

Arteta, ayaa dhanka kale sheegay inuu aad ugu kalsoon yahay in Saliba uusan riixi doonin inuu ka tago Arsenal.

Markii wax laga weydiiyay xiriirkii ugu dambeeyay ee Saliba ee Madrid, Arteta wuxuu ku jawaabay:”Waxyaabahan oo kale way dhacaan”.

“Waxa aan hubo oo aan ku kalsoonahay in uu Saliba aad ugu faraxsan yahay halkana isla markaas doonayo in uu joogo kooxda”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga