Mikel Arteta Oo Ka Fal Celiyay Isku Aadka Wareega 16-ka Champions League.

Mikel Arteta ayaa sheegay in Arsenal lagu aadiyay imtixaan ‘aad u adag’ kulankii PSV Eindhoven ee wareegga 16-ka ee Champions League.

Gunners ayaa badisay lix kulan waxaana laga badiyay kaliya hal kulan sideedii kulan ee horyaalka si ay ugu soo gudubto wareega 16ka ee tartanka yurub.

Iyaga oo ku faanaya rikoorka daafaca labaad ee ugu fiican ka hor wareega 16-ka, waqooyiga London ayaa loo arkaa inay ka mid yihiin kooxaha ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka champions Leageu.

Si kasta ha ahaatee Kooxaha Liverpool, Real Madrid Iyo Barcelona ayaa ka sareeya kooxaha ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka champions League.

“Hagaag waan la ciyaarnay iyaga, runtiina waa koox aad u wanaagsan”ayuu yidhi Arteta.

“Waan soo marnay waxayna noqon doontaa mid aad u adag, sida natiijooyin kasta oo Champions League ah”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga