Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa diiday inuu si xad-dhaaf ah u farxo kaddib markii kooxdiisu ay 7 dhibcood ka hormartay hoggaanka Premier League.
Gunners-ka ayaa guul ciriiri ah oo 1-0 ah ka gaaray Brighton & Hove Albion, halka Manchester City lagu qabtay barbaro 2-2 ah oo ay la galeen Nottingham Forest garoonka Etihad Stadium.
Bukayo Saka, oo ahaa kabtanka Arsenal kulanka ka dhacay Amex Stadium, ayaa dhaliyay goolka guusha bilowgii qeybta hore ee ciyaarta.
Arteta ayaa u sheegay TNT Sports:“Tani waxay ahayd ciyaar aad u adag marka loo eego wax walba oo aan soo marnay toddobaadyadii la soo dhaafay”
“Kulan kasta oo Premier League ah wuxuu ku siinayaa waxyaabo kala duwan. Amaanta ugu weyn waxay mudan yihiin ciyaartoyda sababtoo ah dadaalka ay sameeyeen waa mid aad u weyn.”
Markii wax laga weydiiyay farqiga 7-da dhibcood ee u dhexeeya Arsenal iyo City, Arteta wuxuu yiri:
“Waxaan sameynay wixii aan sameyn karay, taasna waa waxa aan sii wadi doono.”
Be the first to comment