Mikel Arteta Oo Ka Fal Celiyay Heshiiskii Cusbaa Ee Uu U Saxiixay Arsenal.

Mikel Arteta ayaa qandaraas cusub oo seddex sanno ah u saxiixay Arsenal, isagoo tababaraha reer Spain ku sii hayn doona Gunners ilaa 2027.

Wadahadalada qandaraaska ayaa socday dhowr bilood iyada oo heshiiska Arteta ee kooxda uu dhacayay dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda Iyo Tababaraha ayaa mar walba ku kalsoonaa in ay heshiis ka gaadhi karaan arinta Arsenal ayaana haatan si Rasmi ah u shaacisay heshiiska cusub.

Kadib heshiiska cusub Arteta ayaa yidhi”Aad ayaan ugu faraxsanahay mana sugi karo waxa soo socda”.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan halkan joogo waxa aan xidhiidh fiican la leeyahay cid walba oo kooxda ah”.

“Nasiib fiican ayaan u leeyahay in aan dad fiican la shaqeeyo oo leh hami waxana aan dareemayaa taageeradooda”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga