Mikel Arteta Oo Fariin U Diray Kooxdiisa Ka Hor Bilaabashada Xilli Ciyaareedka.

Mikel Arteta ayaa qiimeeyay qaab ciyaareedka Arsenal ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ilaa haatan ka dib markii ay soo gabagabeeyeen wakhtigoodii USA iyaga oo guuldaro kala kulmay Liverpool.

Gunners oo ka soo badisay Bournemouth iyo Manchester United ka hor inta aysan Reds ku wajihin garoonka Lincoln Financial Field, ayaa awoodi weysay inay sii adkeyso iyadoo kooxda Arne Slot ay dhaliyeen labo gool ka hor qeybta nasashada si ay guul ugu gaaraan Philadelphia.

Isagoo la hadlayay warbaahinta guuldaradii ka dib, Arteta wuxuu qirtay inay tahay inay kooxdiisu ‘horumariso oo ay horumar sameyso’ haddii ay doonayaan inay u tartamaan xilli ciyaareedka soo socda ee Premier League.

“Kooxdu waa inay si joogto ah u horumartaa, sababtoo ah heerku waa mid sarreey”ayuu yidhi.

“Taasi waa waxa aan isku dayeyno inaan sameyno”.

“Waxaan qabaa inaan xaalad fiican ku jirno, waxaan u maleynayaa inaan ciyaarnay kulamo aad u adag, [Liverpool] runtii waxay ahayd tijaabo xoogan, waxaan qabaa inaan ciyaarta ku bilownay si fiican waxaan qabaa lix ama 7 daqiiqo kadib inaan 2-0 ku hogaamin karnay ciyaarta”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga