
Mikel Arteta ayaa daaha ka qaaday qorshihiisa uu ku doonayo in uu ‘dib u dhigo’ dabaal-degga horyaalka Liverpool ilaa iyo inta suurtogalka ah – xitaa wixii ka dambeeya safarkii Gunners ee Anfield bishii May.
Kooxda Arne Slot ayaa qarka u saaran in loo caleemo saaro horyaalnimada Premier League markii labaad.
Guushii ay ka gaadhay Axadii ayaa keentay in ay Liverpool 13 dhibcood ka horayso Arsenal iyada oo 5 kulan ka dhimantahay dhamadka xilli ciyaareedka.
Liverpool ayaa u baahan guul kulanka Tottenham si ay ugu guulaysato horyaalka premier League.
Hadii ay dhacdo in ay Liverpool Kulanka Tottenham ku guulaysato horyaalka premier League, Arsenal ayaa waddo sharafeed u samayn doonta Liverpool kulanka ay wada ciyaari doonaan Bisha dambe.
Arteta ayaa doonaya in uu dib u dhigo dabaal-daga Liverpool inta suurtagalka ah si uu uga fogaado in ay kooxdiisu waddo sharafeed ugu samayso Liverpool kulanka Anfield.
Isagoo la hadlayay Optus Sport ka dib guushii ay kooxdiisu ka soo gaartay Ipswich ee Portman Road, tababaraha ayaa yidhi””Waxa kaliya ee aan sameyn karno waa dib u dhigista waqtigaas oo dhankeena waxaan ka helnaa xuquuqda aan ku dhameysan karno sida ugu macquulsan.”
Be the first to comment