Mikel Artea Oo Farta Ku Fiiqay Wakhtigii Ay Is Badashay Kulankii Bournemouth

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa farta ku fiiqay markii ay is badashay ciyaarta kulankii ay kooxdiisu guuldaro kala kulantay Bournemouth.

Arsenal ayaa dusha laga saaray guuldaradii ugu horaysay ee horyaalka premier League kadib guuldaradii ka soo gaadhay kooxda Bournemouth.

Mikel Arteta ayaa sheegay in ay ciyaartu is badashay kadib markii kaadhka cas loo taagay xiddiga William Saliba.

Mikel Arteta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Wan ka niyad jabsanahay natiijada sababta oo ah waxa ay ahayd in aan u ciyaarno si ka fiican”.

“Waxa uu kulanku ahaa mid ka adag labadii kulan ee hore ee aan wajahnay, in aan 10 xiddig ku ciyaarno 65 ilaa 68 daqiiqo ay adagtahay”.

“Aniga ahaan ciyaartu waxa ay is badashay markii kaadhka cas loo taagay Saliba waxana aan samaynay khaladaad”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga