
Weeraryahankii hore ee England, Michael Owen, ayaa saadaaliyay premier League xilli ciyaareedka cusub.
Owen wuxuu aaminsan yahay in Liverpool ay ku guuleysan doonto horyaalka Premier League markii labaad oo xiriir ah, ka dib markii ay kor u qaaday koobka Arne Slot sanadkiisii ugu horeysay.
Arsenal ayaa ku dhameysatay kaalinta labaad sanadkii seddexaad oo xiriir ah, halka Manchester City ay soo gashay kaalinta seddexaad.
Chelsea ayaa ku dhameysatay kaalinta afaraad ka dib markii ay 1-0 kaga badisay Nottingham Forest maalintii ugu dambeysay.
Owen ayaa haatan Liverpool siiyay 70% fursad ay mar kale ku guulaysan karaan horyaalka.
“Waxaan qabaa in Liverpool ay tahay kooxda ugu cad-cad ku guukaysiga premier league”.
“Waxa aan qabaa in ay haystaan fursad 70% in ay ku guulaystaan premier league”.
Waxa uu hadalkiisa raaciyay:”4-ta kooxood ee ugu sareysa waxay noqon doonaan Liverpool, Arsenal, Chelsea iyo Man City, siday u kala horreeyaan”.
Be the first to comment