Michael Owen Oo Magacaabay Xulka Aan Ku Guuleysan Doonin Premier League.

Weeraryahankii hore ee Real Madrid iyo Liverpool, Michael Owen, ayaa muujiyay shaki ku saabsan in xulka England uu ku guuleysan karo Koobka Adduunka ee 2026.

Owen ayaa sheegay in Three Lions (England), oo hadda uu tababaro Thomas Tuchel, ay la kulmi doonaan dhibaatooyin la xiriira da’da ciyaartoyda iyo cimilada.

Isagoo la hadlayay 247Bet, ayuu su’aal ka keenay in ciyaartoyda waaweyn, sida Harry Kane, ay noqon karaan kuwo aad u da’ weyn marka la gaaro xagaaga dambe.

Owen ayaa yiri:

“Ciyaartoyda waaweyn sida Harry Kane way sii gabowayaan — mana sii fiicnaan doono, halka ciyaartoy heer caalami ah sida Kyle Walker ayba jiri doonin markaa.”

“Xitaa ciyaartoyda sida Phil Foden ma joogaan heerkii ciyaar ee ay ku sugnaayeen hal ama laba sano ka hor. Difaacana waan ka walaacsanahay. Hore waxaan u lahayn difaacyo badan oo wanaagsan.

“Hadda waxaan is weydiinayaa: yaa ciyaari doona booska bidix (left-back)? Yaa buuxin doona booska dhexe ee difaaca (centre-half)? John Stones-na isna ma yaraayo da’ ahaan.”

Owen ayaa intaas ku daray:

“Waxaan u maleynayaa inaan laba ama hal sano ka hor ka fiicnayn sidii aan hadda nahay. Laakiin kubadda cagtu si degdeg ah bay isu beddeshaa. Waxaa dhici karta in sanadkaas uu noqdo mid wanaagsan inoo, balse maya — ma hubo in aan ku guuleysan karno Koobka Adduunka marxaladdan.”

“Waxaan soo dhoweynay guulo waaweyn — final iyo semi-final — waana qaran kubadeed oo weyn. Laakiin waxaan u maleynayaa in dalal kale ay si fiican ugu diyaarsan yihiin xaaladaha markan.”

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga