Michael Owen Oo Magacaabay 4 Kooxood Oo Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Champions League.

Michael Owen ayaa aaminsan in afar kooxood ay haystaan ​​‘fursad dhab ah’ oo ay ku qaadi karaan Champions League xilli ciyaareedkan.

Kadib markii la soo afjaray heerka League ee cusub waxa la ogaaday dhamaan 16-ka kooxood ee ka qayb galaya wareega 16-ka champions League.

wareega 16-ka ayaa bilaaban doona habeenka Salaasada iyadoo kooxaha Premier League ee Arsenal iyo Aston Villa ay wada ciyaari doonaan PSV iyo Club Brugge siday u kala horreeyaan.

Dhinaca kale waxa jira kulan xiiso leh oo dhexmari doona kooxaha Real Madrid Iyo Atletico Madrid kadib markii ay Los Blancos reebtay Man City halka ay Dortmund Iyo Lille  ciyaari doonaan.

Dhaqdhaqaaqa Yurub ayaa sii socda Arbacada iyadoo hogaamiyaasha Premier League Liverpool ay booqanayaan PSG halka Barcelona ay la ciyaari doonto Benfica.

Dhinaca kale Bayern Munich ayaa la ciyaari doonta Bayer Leverkusen halka ay Feyenoord la ciyaari doonto Milan.

Owen ayaa ku qiimeeyay Liverpool inay yihiin kuwa ugu cadcad inay ku guuleystaan ​​Champions League laakiin wuxuu sheegay in seddex kooxood oo kale ay sidoo kale heystaan ​​’fursad dhab ah’.

“Kooxda ugu cad-cad champions League waa Liverpool”ayuu Owen yidhi.

“Waxa sidoo kale ugu cad-cad Barcelona Iyo Bayern Munich kuwaas oo haysta fursad dhab ah”.

“Sidoo kale Real Madrid ayaa ka mid ah kooxaha ugu cad-cad”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga