
Weeraryahankii hore ee Liverpool Michael Owen ayaa shaaca ka qaaday sababta uu u maleynayo inay jiraan labo kooxood oo kaliya oo ku guuleysan kara horyaalka Premier League xilli ciyaareedka soo socda.
Reds ayaa 8 maalmood ka hor ku guulaysatay koobka Premier Leaque-ga kadib markii ay 5-1 ku garaacday Tottenham kulan ka dhacay Anfield.
Liverpool ayaa sidaas samaysay iyadoo afar kulan u hadhay, waxayna wali 15 dhibcood ka sareeyaan Arsenal oo kaalinta labaad ku jirta inkasta oo ay Axadii 3-1 kaga adkaatay Chelsea.
Gunners, oo ay u badan tahay inay ku dhameystaan kaalinta labaad xilli ciyaareedkii seddexaad oo xiriir ah, ayaa ka hadhay horyaalka, lakiin waxa ay gaareen semi-finalka Champions League.
Halka Man City, oo ku guuleysatay afar koob oo Premier League ah, ay hoos u dhac weyn la kulantay xilli ciyaareedkan iyadoo kooxda Pep Guardiola ay haatan 18 dhibcood ka hooseyso hogaamiyayaasha.
Liverpool oo aan wax lacag ah ku kharash garayn labadii suuq ee la soo dhaafay ayaa qarka u saaran in ay xiddigo badan keensato xagaaga waxana uu Owen uga digay in ay saamayn xun ku yeelan karto hadii ayna ka taxadarin.
Owen ayaa u sheegay Premier League Productions: “Waa qolka labiska ee iswaafaqsan oo wanaagsan haddii aad lacag badan suuqa galiso oo aad xiddigo badan keento waxa ay keeni kartaa niyad jab”.
Owen ayaa intaa ku daray: “Ma arki karo qof garaacaya Liverpool sanadka soo socda, Man City aad ayay uga fogtahay Arsenal ayaa ah kooxda kaliya ee la tartami karta Liverpool”.
Be the first to comment