Michael Owen: Arsenal Ma Ahan Kooxda Ugu fiican Premier League, Halkan Koox Ayaa Ka Fiican

Halyeeygii hore ee Liverpool, Michael Owen, ayaa aaminsan in Liverpool ay weli tahay kooxda ugu fiican ee Premier League, kana horreysa Arsenal iyo Manchester City.

Tababaraha Liverpool Arne Slot ayaa kooxda ku hoggaamiyay ku guuleysiga Premier League xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee uu qabto. Si kastaba, kooxda difaacanaysa horyaalka ayaa xilli ciyaareedkan la kulantay qaab ciyaareed aan joogto ahayn, waxaana ay hadda ku jiraan kaalinta lixaad ee jadwalka, iyagoo 19 dhibcood ka dambeeya hoggaamiyeyaasha Arsenal.

Si kastaba ha ahaatee, Owen wuxuu ku adkeysanayaa in Liverpool ay weli tahay kooxda ugu muuqata awoodda badan ee horyaalka, isla markaana ay xilli ciyaareedka dambe dib ugu soo laaban karto qaabkoodii ugu fiicnaa.

Owen ayaa yiri isagoo ka hadlayay barnaamijka The Wayne Rooney Show ee BBC:

“Aniga ahaan, waxaan u maleynayaa inay yihiin kooxda ugu fiican Premier League.”

Michael Owen ayaa hadalkiisa sii raaciyay isagoo difaacaya Liverpool:

“Dadku way qosli doonaan oo waxay oran doonaan: ‘Xaggee bay joogaan? Kaalinta lixaad ayay horyaalka kaga jiraan”

“Laakiin xilli ciyaareedkii hore waxay si xoog leh u qabsadeen horyaalka Premier League, mana aha kooxda lixaad ee ugu fiican”

“Kaliya hadda si fiican uma ciyaarayaan.”

Michael Owen ayaa hadalkiisa sii watay isagoo ka hadlayay awoodda Liverpool ee Premier League:

“Haddii koox kasta oo Premier League ah la keeno qaab ciyaareedkeeda ugu fiican, oo la yiraahdo ‘haye, koox walba ha keento ciyaarteeda ugu fiican’, markaas waxaan u maleynayaa in Liverpool ay tahay kooxda ugu fiican”

“In lagu ciyaaro Anfield marka ay Liverpool si fiican u ciyaarayso, waxaan u maleynayaa inay ku dhowaad suurtagal ahayn in laga adkaado.”

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga