Micah Richards Oo Magacaabay Laba Kooxood Oo Ku Guulaysan Kara Champions League Xilli Ciyaareedkan.

Micah Richards, daaficii hore ee Manchester City, ayaa sheegay in Real Madrid aysan ahayn kuwa ugu cadcad ku guuleysiga UEFA Champions League xilli-ciyaareedkan.

Richards wuxuu hadalkan sheegay kadib markii Real Madrid ay 5–1 wadar ahaan kaga adkaatay Manchester City wareegga 16-ka—iyagoo 3–0 ku badisay Bernabeu iyo 2–1 oo ay ku guuleysteen Etihad Stadium, iyadoo Vinícius Júnior uu laba gool dhaliyay.

Si kastaba, Richards wuxuu aaminsan yahay in FC Barcelona iyo Bayern Munich ay leeyihiin fursad ka wanaagsan oo ay ku qaadaan koobka.

Wuxuu yiri:“Real Madrid inay koobka qaado? Hadda haddii la i weydiiyo, waxaan dhihi lahaa, maya”

“Kulankii City, waxay ku badbaadeen xirfad shaqsiyeed iyo casaankii Bernardo”

“Barcelona maalintooda waxay garaaci karaan qof walba. Bayern sidoo kale way jirtaa”

“Haddii aan sharad dhigo, waxaan dhihi lahaa Real Madrid ma qaadi doonto, sababtoo ah waxaa jira kooxo ka fiican”

“Laakiin Real Madrid waxay leedahay ciyaartoy u ciyaara daqiiqadaha waaweyn—taasina waa waxa Champions League yahay. Xilliyaal hore waxay ka gudbeen Chelsea iyo City iyagoo si fiican u ciyaarin, balse haddana way gudbeen.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga