
Xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi ayaa isku diyaarinaya in uu Axada soo socda ka hor tago kooxdiisii hore ee Paris Saint-Germain kulan ka tirsan wareega 16-ka koobka kooxaha adduunka.
kulankaas oo la filayo in uu soo jiito taageerayaasha kubada cagta adduunka ayay labada kooxood isaga hor imanayaan.
Messi ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay ee uu la joogay kooxda Paris waxa uu la kulmay dhaleecayn xoogan oo dhinaca taageerayaasha isaga oo markii dambe qirtay in aanu ku faraxsanayn PSG.
“Kuma faraxsanayn tababarkii iyo kulamadii Paris Saint-Germain,” Messi ayaa yiri bishii February.
“Way igu adkeyd inaan wax walba la qabsado.”
Ciyaarta soo socota ee Paris Saint-Germain iyo Inter Miami ayaa noqon doonta mid gaar ah, ma ahan kaliya in uu ka hor iman doono kooxdiisii hore laakiin waa kulan weyn oo indhaha adduunku hayn doono.
Messi ayaa ku biiray Inter Miami 2023 si bilaash ah ka dib markii uu ka tagay Paris Saint-Germain, isagoo qandaraaskiisa kooxda Mareykanka uu dhacayo bisha soo socota ee December.
Be the first to comment