
Kooxaha Liverpool,Arsenal iyo Manchester City ayaa dhamaantood isku dayay in ay gacanta ku dhigaan hogaanka sare ee Premier league todobadii sano ee la soo dhaafay.
Tan iyo 2018, horyaalka Premier League waxa uu aaday midkood Manchester City ama Liverpool, waxayna u muuqataa inay taasi dhici doonto xilli ciyaareedkan sidoo kale.
Si kastaba ha ahaatee, Arsenal ayaa sare u kacday sanadihii ugu dambeeyay, waxaana ay u tartamaysay horyaalka seddexdii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay oo xiriir ah.
Haddaba, Paul Merson ayaa ka hadlay wax ay Liverpool samaysay taas oo ah “wax aan la rumaysan karin” isla markaas war xun u ah Man City iyo Arsenal.
Dhowr usbuuc ka hor, Merson wuxuu Liverpool ku dhaleeceeyay in ayna kooxdu Heshiis Cusub Ka saxiixan 3 ka mid ah xiddigeheeda ugu fiican.
Inkastoo Reds ay dooneysay inay dib u cusbooneysiiso seddexdoodaba, haddana waxaa ku dhacday dharbaaxo bilow ah iyadoo Trent Alexander-Arnold uu doortay inuu mustaqbalka u dhaqaaqo Real Madrid.
Si kastaba ha ahaatee, Mohamed Salah ayaa haatan qandaraaska u kordhiyey Liverpool, halka Virgil van Dijk uu qarka u saaran yahay inuu qalinka ku duugo heshiis cusub.
Merson ayaa aamaanay warka aan la rumaysan karin ee ah in ay Kooxdu Heshiis Cusub ka saxiixatay xiddigaha Van Dijk iyo Salah.
“Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk oo heshiis cusub u cusbooneysiiyay Liverpool waa war aan la rumaysan karin,” ayuu Merson soo qoray.
“Haddii ay tahay inaad lumiso mid ka mid ah seddexdooda ciyaaryahan, waxay noqon laheyd Trent Alexander-Arnold”.
“Uma jeedo taas si xun, waa ciyaartoy aad u fiican laakiin Salah iyo Van Dijk ayaa ka muhiimsan”.
Be the first to comment