
Halyeeyga kooxda Arsenal ee Paul Merson ayaa sheegay hal sabab oo ayna Arsenal u soo qaban doonin Liverpool tartanka premier League kadib guuldaradii West Ham.
Arsenal ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulantay kooxda West Ham kulan ka tirsanaa premier League kana dhacay Emirates.
Paul Merson ayaa sheegay in ayna Arsenal soo qaban doonin Liverpool sabab la xidhiidha in ayna haysan weeraryahan u dhaliya goolal.
“1000% Arsenal ma soo qaban doonto Liverpool sababta oo ah ma haysato weeraryahan”ayuu yidhi.
“xitaa hadii ay Man City 7/0 kaga badiso Liverpool ma soo qaban karto Arsenal”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment