Halyeeygii hore ee Arsenal David Seaman ayaa ugu baaqay tababare Mikel Arteta inuu Viktor Gyökeres ka ciyaarsiiyo booska lambarka sagaal (number nine) ee weerarka, halkii uu ka dooran lahaa Mikel Merino.
Seaman waxa uu hadalkan jeediyay isaga oo ka hadlayay kulanka Arsenal ee Premier League-ga ay la leeyihiin Brentford Arbacada.
Tani waxay timid ka dib markii Arteta uu doortay inuu Merino ka ciyaarsiiyo booska weeraryahanka dhexe kulankii Axaddii ay Chelsea la yeesheen, isaga oo ka hormariyay Gyökeres.
David Seaman ayaa u sheegay talkSPORT isagoo yiri:
“Markaad eegto Merino, wuxuu u badan yahay in uu yahay weeraryahan been ah wuxuuna aad ugu soo laabtaa gudaha (garoonka).”
“Markaad haysato Gyökeres, waa weeraryahan dhab ah oo buuxa Wuxuu ku siinayaa ikhtiyaarka ah inuu kubbadda hayo si kooxda inteeda kale u soo baxdo.”
Be the first to comment