
Mikel Merino ayaa qirtay inay ahayd wax aad loola yaabo in la waydiiyo inuu buuxiyo booska weerarka degdega ah ee Arsenal kulankii Sabtidii ay 2-0 kaga badiyeen Leicester City.
Koox ay dhaawacyo dileen ayaa u muuqatay kuwo dhibco luminaya kulan ka tirsanaa premier League iyada oo ay kooxda ka maqan yihiin weeraryahanada Kai Havertz, Gabriel Martinelli iyo Bukayo Saka.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain Merino ayaa si adag ugu bilowday xirfadiisa Arsenal ka dib markii uu xagaagii kaga soo biiray kooxda Real Sociedad.
Dhaawacyo ayaa ka qayb qaatay in uu xiddigu la qabsan waayo kooxda, dad yar ayaana filayay in uu noqon doono geesiga ciyaarta markii uu soo galay iyada oo 20 daqiiqo ka dhimantahay dhamaadka ciyaarta.
Xiddiga 28 jirka ah ayaa qabtay shaqo fiican isaga oo kooxdiisa ku hogaamiyay guul isla markaas dhaliyay 2 gool.
“Areta ayaa ii sheegay in aan ka ciyaari doono weerarka”ayuu Merino yidhi.
“Waxa aan ka hadlaynay Saka waxana ay ahayd mid la yaab leh markii la ii sheegay in aan ka ciyaari doono weerarka”ayuu yidhi.
Be the first to comment