Mbappe Oo Noqday Xifdiga 6-aad Ee Ugu Goolasha Badan Champions League.

Weeraryahanka Real Madrid, Kylian Mbappe, ayaa haatan kaalinta 6-aad kaga jira liiska gool-dhaliyeyaasha taariikhiga ah ee UEFA Champions League, isagoo barbar socda halyeeyga Bayern Munich, Thomas Muller.

Tani waxay timid kaddib markii weeraryahanka xulka France uu labo gool ka dhaliyay guushii 2-1 ee Real Madrid kaga adkaatay Marseille, kulan ka dhacday garoonka Santiago Bernabeu.

Kahor ciyaartii Real Madrid iyo Marseille, Mbappe wuxuu lahaa 55 gool oo Champions League ah.

26-jirkan haatan waxa uu kaliya ka dambeeyaa Cristiano Ronaldo, Lionel Messi, Robert Lewandowski, Karim Benzema iyo Raul Gonzalez liiska gool-dhaliyeyaasha taariikhiga ah ee Champions League.

Ronaldo ayaa hadda ah gool-dhaliyaha ugu sarreeya tartanka isagoo leh 140 gool.

 

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga