
Kabtan-ka xulka France ee Kylian Mbappe, ayaa sheegay in Spain ay yihiin tartame dhab ah oo ku guuleysan kara Koobka Adduunka ee 2026.
Xiddigan 26 jirka ah ayaa ku sii wajahan inuu ka qayb galo tartanka sanadka dambe, isagoo gool ka dhaliyay guushii 3-0 ee ay France kaga badisay Azerbaijan ciyaar ka tirsan isreeb-reebka Koobka Adduunka Jimcihii.
Inkasta oo khubaro badan ay u arkaan Les Bleus (Faransiiska) kuwo fursad weyn u leh inay mar kale qaadaan koobka, haddana Mbappe ayaa saadaaliyay in horyaalka Yurub — Spain — ay yihiin kuwa ugu cadcad guusha.
“Aniga ahaan, [Spain] waa kooxda ugu fiican Yurub hadda,” ayuu yiri Mbappé.
“Laakiin Koobka Adduunku waa wax ka duwan.”
Be the first to comment