Mbappe Oo Ka Fal Celiya Shaqo Ka Caydhinta Tababare Xabi Alonso.

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Kylian Mbappe ayaa ka fal celiyay Shaqo ka caydhinta Tababare Xabi Alonso.

Real Madrid ayaa maanta si deg-deg ah shaqada uga Caydhisay Tababare Xabi Alonso kadib Guuldaradii kooxd ka Soo gaadhay Barcelona.

Alonso ayaa tan ilaa bilowgii Xilli Ciyaareerdka u dagaalamayay shaqadiisa sabab la xidhiidha natiijooyinka xun ee ay Kooxdiisu helaysay.

Ugu Dambayn maamulka Real Madrid ayaa Shaqada Ka Caydhisay Tababare Xabi Alonso.

Kadib Shaqo ka caydhinta Tababare Xabi Alonso Mbappe ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee ka fal celiya arintaas.

“Waxay ahayd waqti gaaban, balse runtii sharaf iyo farxad ayay ii ahayd inaan kula ciyaaro isla markaana wax ka barto adiga. Mahadsanid kalsoonida aad ii muujisay tan iyo maalintii koowaad.”

“Waxaan ku xasuusan doonaa adiga adigoo ah tababare leh aragti cad oo aqoon ballaaran u leh kubadda cagta. Guul ayaan kuu rajeynayaa cutubkaaga xiga.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga