Mbappe oo gaaray Rikoor cajiib ah , Wiilka Real Madrid oo dhigay Taariikh aan caadi aheyn ?

0

Weeraryahanka Real Madrid, Kylian Mbappé, ayaa dhigay rikoodh cajiib ah oo taariikhda UEFA Champions League galay, ka dib markii uu noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee gaaray 100 kulan oo ka tirsan tartankan.

Mbappé ayaa rikoodhkan cusub ku dhigay da’da 27 sano iyo 298 maalmood, isagoo dhanka rikoodhkii uu muddo dheer hayay Argentina ee Lionel Messi, oo 100-kiisii kulan ee ugu horreeyay ku gaaray da’da 28 sano iyo 84 maalmood kulan uu Barcelona ay la ciyaartay AS Roma bishii September 2015.

Advertisment

Rikoodhkan ayaa yimid kulankii dhowaan ee ay Real Madrid 4-3 kaga badisay kooxda AS Roma, iyadoo Mbappé uu sidoo kale shabaqa dhigay goolkiisii 72-aad ee tartanka Champions League.

100-ka Kulan ee Mbappé:

  • AS Monaco: 9 kulan (6 gool)
  • Paris Saint-Germain: 64 kulan (42 gool)
  • Real Madrid: 27 kulan (24 gool)

3-da ciyaaryahan ee ugu da’da yar ee gaaray 100 kulan tartanka Champions League:

  1. Kylian Mbappé – 27 sano, 298 maalmood
  2. Lionel Messi – 28 sano, 84 maalmood
  3. Raúl González – 28 sano, 239 maalmood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here