
Liverpool ayaa hal talaabo u soo dhawaatay inay gacanta ku dhigto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Reds ayaa 12 dhibcood ka saraysa Arsenal tartanka Premier League Kadib markii ay garaaceen kooxda Everton kulan ka dhacay Anfield.
Arne Slot kaliya hal kulan oo horyaalka ah laga badiyay tan iyo markii uu bedelay Jurgen Klopp, waxaana uu u muuqdaa mid ku dayan kara halyeyga kooxda sanadkiisii ugu horeysay.
Muhiimada ay u leedahay in ay hogaanka ku sii hayaan hogaanka sare ayaa sare u kacday todobaadyadii la soo dhaafay kadib markii ay guuldaro kala kulmeen finalka FA Cupka lagana soo reebay tartanka champions League.
Laakiin iyadoo siddeed ciyaarood ay ka harsan yihiin, Liverpool wali duulaysa waxan ay ogyihiin waxa ay u baahanyihiin si ay u dhamayastiraan shaqada.
Liverpool waxay u baahan tahay 13 dhibcood oo dheeri ah si ay u xaqiijiso hanashada Premier League.
Kaliya waxay u baahan yihiin afar guul iyo barbaro si ay sidaas u sameeyaan, xitaa haddii Arsenal ay ku guuleysato inay badiso dhammaan kulamadeeda u haray
Be the first to comment