Maxay Barcelona U Baahantahay Si Ay Ugu Gudubto Wareega 16-ka Champions League.

Barcelona ayaa gaartay guusheedii shanaad oo xiriir ah tartanka Champions League, kaddib markii ay 3-2 ku garaacday Borussia Dortmund, ciyaar ka dhacday dalka Germany fiidkii, Arbacadii.

Barcelona ayaa ku jirta kaalinta labaad ee kala sareynta heerka group-yada Champions League, iyadoo leh 15 dhibcood, 3 dhibcood ka hooseysa Liverpool, taasoo hogaanka ku heysa hogaanka ilaa iyo haatan 6 wareeg oo ay ciyaartay.

Guushii shalay ay ka gaareen Borussia Dortmund ayaa farqiga goolasha ka dhigay 14 gool, taasoo ku filan inay ku dhameystaan ​​kaalinta 2-aad wareega 6-aad xitaa hadii ay bar-baro gali lahaayeen kulankii Dortmund.

Barcelona ayaa dhalisay 19 gool waxaana laga dhaliyay kaliya 5 gool lixdii wareeg ee ay ciyaartay intii uu hogaaminayay tababare Hansi Flick.

1.Si loo xaqiijiyo u soo bixida Barcelona waa in ay badisaa ugu yaraan hal kulan hadii ay ka badiso Benfica ama Atalanta waxa ay gaadhi doontaa 18 dhibcood waxana ay taasi kaga filnaan doontaa in ay u gudubto wareega xiga.

2.Bar-baro ay galaan kulamada Benfica iyo Atalanta bisha January ee soo socota ayaa sidoo kale laga yaabaa inay ku filnaato kooxda inay soo baxdo wareega xiga iyada oo heli doonta 17 dhibcood.

3- Hadii Barcelona ay guuldaro la kulanto mid ka mid ah labada kulan isla markaana ay badiso kulanka 2-aad, farqiga goolasha waa in aanu noqon mid weyn waayo waxa ay door muuqda ku leedahay kala saraynta kooxaha marka ay dhamaadka ku kulmaan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga