Maxa Ka Jira Wararka Mac Allister La Xidhiidhinaya Real Madrid? Aabihii Ayaa Ka Jawaabay.

Carlos Mac Allister, oo ah aabbaha Alexis Mac Allister – ciyaaryahan ka tirsan kooxda Liverpool – ayaa ka hadlay wiilkiisa iyo xaqiiqada ku saabsan wadahadalladii ay Real Madrid la sameysay si ay ugu dhaqaaqdo saxiixiisa xagaagii hore.

Waxaa lagu wadaa in Liverpool ay caawa oo Salaasa ah la ciyaarto Real Madrid kulanka wareegga saddexaad ee heerka kooxaha tartanka Champions League.

Wargeyska  AS ayaa wareysi la yeeshay aabbaha ciyaaryahanka Liverpool, kaasoo hore uga tirsanaa kooxda Boca Juniors ee dalka Argentina, halkaas oo uu garab uga ciyaaray halyeeygii Diego Armando Maradona.

Carlos Mac Allister oo ka hadlayay wararka sheegaya in Real Madrid ay xiisaynayso wiilkiisa, wuxuu yiri:
“Waan akhriyey wararkaas, laakiin wax xiriir ah ma jirin. Had iyo jeer waa wax lagu farxo in magac wiilkayga lagu xiro mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn adduunka”

“Real Madrid waa naadi weyn, sidoo kale Liverpool waa mid cajiib ah, waana inaan muujinnaa masuuliyad oo aan ixtiraamnaa kooxda uu hadda u ciyaarayo – kooxda aamintay isaga.”

Isagoo ka hadlayay xaaladda Real Madrid ee uu hoggaaminayo Xabi Alonso, ayuu Carlos Mac Allister yiri:“Waxaan aaminsanahay in waxa ugu muhiimsan uu yahay sida degdegga ah ee tababaraha cusub ula qabsado ciyaartoydiisa – kuwa cusubna ay ku jiraan – iyadoo la wado fikrad cusub iyo aragti gaar ah oo kubadda cagta ah. Taasi ma aha wax fudud in lagu gaaro waqti gaaban.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga