Mauricio Pochettino Oo Sheegay Mudada Uu U Baahanyahay Si Uu U Xaliyo Dhibaatada Chelsea.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Mauricio Pochettino Ayaa sheegay in uu u baahan yahay ugu yaraan 5 sano si uu u xaliyo dhibaatada kooxda chelsea kadib bar-barihii niyad jabkii lahaa ee ay la galeen Sheffield United.

Chelsea ayaa sii waday natiijooyinkii xumaa ee xilli ciyaareedkan iyaga oo bar-baro la galay kooxda Sheffield kulan ka tirsanaa premier League.

Blues ayaa kulankii Sheffield soo gashay iyaga oo guul weyn ka gaadhay Man United bartamihii toodbaadka.

Isagoo hadlayay ciyaarta ka dib, Pochettino ayaa qirtay in Chelsea ay wali noqon karto mashruuc shan sano ah.

“Wax badan ayaan wada hadlaynaa,” ayuu yiri tababaraha Argentina. “Waa koox cusub oo leh astaamo ay ku jiraan in aan wax barayno haatan”.

“Mashruucan waxa uu qaadan doonaa muddo waa mashruuc aan u baahanahay 3 ilaa 5 snao oo kale”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga