Matheus Cunha Oo Ka Farxiyay Taageerayaasha Man United Ka Hor Kulanka Man City.

Matheus Cunha ayaa si dadban u muujiyay inuu rajeynayo inuu ka soo kabsado dhaawacii soo gaaray ka hor kulanka Manchester United ay la ciyaarayso kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City.

Cunha, oo 26 jir ah kana soo biiray United xagaagan isagoo ka yimid Wolves, ayaa lagu qasbay inuu garoonka ka baxo daqiiqaddii 31-aad ee guushii cajiibka ahayd ee 3-2 ay ka gaareen Burnley isbuucii hore, kadib markii looga shakiyay dhaawac muruqa ah.

Cunha ayaa si cad u muujiyay xanuun markii sawir laga qaaday isagoo si dhib ah uga tagaya garoonka Old Trafford, taasoo tababare Ruben Amorim u keentay madax-xanuun xagga xulashada ciyaartoyda ka hor safarka ay ku tagayaan Etihad.

Warka sheegaya in Cunha laga saaray liiska xulka Brazil ee kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka ee ay la ciyaarayaan Chile iyo Bolivia ayaa sare u qaaday walwalka taageerayaasha Manchester United.

Laakiin Cunha ayaa taageerayaashiisa ku dhiirrigeliyay baraha bulshada isagoo sheegay inuu “si dhow ugu soo laabanayo” kadib guushii ay ka gaareen Burnley, wuxuuna si adag uga shaqeynayay tababarka jimicsiga inta lagu jiro fasaxa ciyaaraha caalamiga ah.

Kadib markii Cunha uu la wadaagay sawir uu ku muujinayo isagoo madaxa hoos u dhigay kuna jiro tababar baaskiil ah, weeraryahanka reer Brazil ayaa Axaddii fiidkii soo dhigay warbixin kale taasoo muujinaysa inuu si wanaagsan uga soo kabanayo dhaawaca.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga