Matheus Cunha Oo Ciyaaray Kulankiisii Ugu Horeeyay Man United.

Matheus Cunha ayaa kulankiisii ugu horeeyay u saftay Manchester United isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyadoo Red Devils ay barbaro 0-0 ah la gashay Leeds kulan ka dhacay Stockholm.

Xiddig reer Brazil ayaa ku bilowday kulankiisii ugu horeeyay waxana uu muujiyay qaab ciyaareed rajo leh.

Laakiin Man United iyo saxiixooda cusub ayaa ku guuldaraystay in ay badiyaan kulanka iyada oo United guul la’aan ah kulankeedii 2-aad ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Cunha ayaa la badalay qaybtii nasashada iyada oo lagu badalay saxiixa cusub ee kale ee Diego Leon.

Man United ayaa tijaabisay Goolhayaha Leeds United laakiin kuma guulaysan in ay shabaqa soo taabtaan.

 

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga