Massimiliano Allegri Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Horyaalka Talyaaniga.

Tababaraha AC Milan, Massimiliano Allegri, ayaa sheegay in Inter Milan ay tahay kooxda ugu cadcad inay ku guuleysato Serie A xilli-ciyaareedkan.

Allegri ayaa hadalkan sheegay kaddib wareysi uu bixiyay kadib markii AC Milan ay 1-0 kaga adkaatay Inter derby-ga Serie A ee dhacay dhammaadkii toddobaadka.

Goolkii ay dhaliyeen qeybtii hore ee ciyaarta Pervis Estupiñán ayaa xaqiijiyay in kooxda Allegri ay guul ka gaarto Inter kulankii ka dhacay San Siro Axaddii.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Milan ay hadda ku jirto kaalinta labaad ee jadwalka Serie A, iyadoo 7 dhibcood ka dambeysa hoggaamiyeyaasha Inter kaddib 28 kulan.

Allegri ayaa u sheegay DAZN sida ay soo xigatay Football Italia:“Inter waxay hoggaanka ku hayaan 7 dhibcood”

“Taasi waa faa’iido weyn, welina iyaga ayaa ah kooxda ugu xooggan isla markaana ah kuwa ugu cadcad horyaalka.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga