
Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sii wada wararka xun ee kooxdiisa ka hor wakhtiga mashquulka ah ee xilli ciyaareedka.
Arteta ayaa xaqiijiyay in xiddiga Raheem Sterling garoomada ka maqnaan doono muddo sabab la xidhiidha dhaawac soo gaadhay.
Warkan ayaa imanaya xilli uu Arteta xaqiijiyay in uu Xiddiga Bukayo Saka maqnaan doono muddo bilo ah sabab la xidhiidha dhaawac.
“Raheem Sterling sidoo kale wuxuu maqnaan doonaa toddobaadyo. Waxaa soo gaaray dhaawac, waa jilibkiisa”.
“Mar kale ayaa la qiimeyn doonaa maalmaha soo socda si loo fahmo inta uu maqnaan doono”.
Be the first to comment