Masiibadii Dhaawacyada Oo Meel Xun Maraysa Iyo Laba Xiddig Oo Kale Oo Ka Dhaawacmay.

Manchester United ayay dhibaato kale oo dhaawacyo soo aadheen itii lagu jiray safarkooda Maraykanka ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusu.

Marcus Rashford iyo Antony ayay dhaawacyo soo taadheen intii ay socotay guushii ay ka gaadheen Real Betis.

Rashford ayuu dhaawac kuraanta ah soo gaadhay kadib markii ay isku dheceen xiddig Real Betis ah.

Xiddiga ayaa isku dayay in uu ciyaarta sii wato laakiin uma suurtagalin waxaa uu ciyaarta uga baxay dhaawac.

Dhibaatada United ee dhaawaca ayaa sii socotay iyada oo xiddiga Antony dhaawac soo gaadhay kaliya 23 daqiiqo markii ay ciyaarty socotay.

Dhaawaca labada xiddig ayaa ka dambeeyay markii ay kooxdu horay u xaqiijisay in Yoro iyo Rasmus muddo ka maqnaan doonaan garoomada sabab la xidhiidha dhaawac soo gaadhay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga