Martin Zubimendi Oo Shaaciyay Sababta Uu U Diiday Liverpool Una Doortay Arsenal.

Martin Zubimendi ayaa shaaca ka qaaday in Mikel Arteta uu si aad u qanciyay markii uu go’aansanayay mustaqbalkiisa, taasoo keentay in uu ku biiro Arsenal.

Tababaraha reer Spain ayaa siiyay Zubimendi soo jeedin aad u fiican, taasoo ugu dambeyn noqotay tan ugu saameynta badan marka uu go’aanka qaadanayay.

Zubimendi ayaa lagu tilmaamaa maestro khadka dhexe ah, waxaana uu ahaa bartilmaameed dhowr kooxood ah ka hor inta uusan dooran kooxda Gunners, isagoo caddeeyay in hadaladii Arteta ay door weyn ka ciyaareen go’aankiisa.

Martin Zubimendi ayaa ku biiray Arsenal xagaagii la soo dhaafay heshiis gaaraya £55 milyan, iyadoo kooxda woqooyiga London ay bixisay lacag ka badan £51 milyan oo ahayd qodobbada lagu burburin karo qandaraaskiisa si ay ula heshiiso Real Sociedad shuruudo lacag-bixin ah oo u wanaagsan.

Ciyaaryahanka 26-jirka ah ayaa saxiixay heshiis shan sano ah oo uu kula jiro Arsenal, kaddib markii uu 12 bilood kahor diiday inuu u wareego Liverpool — go’aan muujinaya sida uu u sugayay dalabkii ugu habboonaa.

Markii hore, waxay u muuqatay in xiddiga xulka Spain Martin Zubimendi uu dhammaystiri doono ku biirista Liverpool sannadkii 2024, kadib markii Reds ay bixisay lacagtii lagu bur-burinayay heshiiskiisa.

Si kastaba ha ahaatee, go’aan isbeddelay oo daqiiqadihii ugu dambeeyay ah ayaa keenay in Zubimendi uu ka laabto heshiiska, isagoo doorbiday inuu sii joogo kooxdiisa hooyo ee Real Sociedad.

Taa beddelkeeda, waxaa Arsenal u dhaqaaqay saaxiibkiis khadka dhexe Mikel Merino, kaas oo xilligaas u muuqday inuu yahay xiddiga ka tegaya kooxda, halkii Zubimendi la filayay inuu baxo.

Hal sano kaddib, fursadda uu ugu biiri lahaa Mikel Merino mar kale kuna biiri lahaa premier League Zubimendi ayaa qirtay in ayna suurtagal ahayn in uu iska diido Arsenal.

“Marka soo-jeedin kasta timaado, su’aasha ugu horreysa waa in la is weydiiyo: ma joogi doonaa La Real?” ayuu yiri.

“Markaas ma ahayn waqtigii saxda ahaa [in la tago].”

“Waan joogay, waana uu adkaa xilli ciyaareedkii, balse wax badan ayaan ka bartay. Waxaan rabay inaan talaabo hore qaado, oo aan qaado mas’uuliyaddaas kadib markii ciyaartoy kale ay baxeen.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga