
Martin Odegaard ayaa sheegay in isaga iyo asxaabtiisa Arsenal ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan kooxda Paris Saint-Germain kulankii uu ku riyoonayay noloshiisa oo dhan.
Arsenal ayaa habeenka caawa ah la ciyaari doonta PSG kulan ka dhici doona Emirates Stadium lugta hore ee semi-finalka Champions League.
Tababaraha Gunners Mikel Arteta ayaa ciyaartan ku tilmaamay kii ugu weynaa tan iyo markii Emirates la furay 2006dii, wuxuuna ugu baaqay ciyaartoydiisa inay ka faa’iideystaan waqtigan.
Odegaard ayaa aaminsan in kooxdu ay diyaar u tahay inay sidaas sameyso, waxaana ay ku faraxsan yihiin inay Arsenal ku hogaamiyaan finalka Champions League ee ugu horeysay muddo 19 sano ah.
“Kuwani waa ciyaaraha aad ku riyoonayso noloshaada oo dhan,” ayuu yidhi Odegaard.
“Waa dareen aad u wanaagsan, waxaan u maleynayaa inay tahay kaliya munaasabad gaar ah, qof walbana dhab ahaantii waa ogyahay”.
“Habeenada noocan oo kale ah waxay ku siinayaan tamar badan, gaar ahaan marka aan halkan joogno guriga, wax walba, waxaan runtii dooneynaa inaan ku guuleysano wax, waxaa jira dhiirigelin badan oo hareeraha ah, waxaana naga go’an inaan muujino waxa aan sameyn karno”.
“Waxaan horay u muujinnay xilli ciyaareedkan inaan u soo bixi karno kulamada waaweyn”
Be the first to comment